WARARKA SOOMAALI

AKHRISO: Guddoomiye Aadan Madoobe oo magacaabay 14 Guddi cusub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14-ka Guddi iyo magacyadda Xildhibaanada ka mid noqanaya Guddiyadda kala duwan  ee Golaha Shacabka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu magacaabay dhammaan Guddiyada, waxaana Guddomiyaha uu Habdhowraha iyo Xoghayaha guud ee Golaha faray inay ka howlgalaan doorashada guddoonka guddiyada.

Hoos ka Akhriso magacyada Guddiyada iyo Xildhibaanada ay ka kooban yihiin

1 – Guddiga miisaaniyadda, maaliyadda, qorsheynta, iskaashiga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

2 – Guddiga xeer hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanada.

3 – Guddiga hormarinta adeega bulshada.

4 – Guddiga Difaaca Qaranka.

5 – Guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bii’ada.

6 – Guddiga arrimaha gudaha, maamullada gobollada iyo amniga.

7 – Guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshiisiinta iyo hanti isu-celinta.

8 – Guddiga beeraha, hormarinta reer miyiga, xoolaha iyo kheyraadka badda.

9 – Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha.

10 – Guddiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta.

11 – Guddiga warfaafinta, wacyi-gelinta, dhaqanka, boostada iyo isgaarsiinta.

12 – Guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bini’aadanimada.

13 – Guddiga arrimaha dibadda.

14 – Guddiga wadooyinka, dekedaha, garoomada, tamarta iyo gaadiidka.

AKHRISO: Guddoomiye Aadan Madoobe oo magacaabay 14 Guddi cusub
To Top