WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti u diray Dhambaal Hambalyo ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xornimada dalka Jabuuti u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xukuumaddda iyo shacabka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xornimada Jabuuti oo ay ka soo wareegtay 46 sano ay ku timid halgan taariikhi ah oo muujiyey awoodda, cududda iyo caqliga mideysan ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay sida ay walaalaha Jabuuti u garab istaageen iyaguna, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, midnimo, horumar iyo barwaaqo waarta.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti u diray Dhambaal Hambalyo ah
To Top