WARARKA SOOMAALI

In ka badan laba Milyan Muslimiin Xujey ah oo Maanta taagan Buurta Carafa

In ka badan laba malyan xujey ah oo sanadkaan 1444H/2023 xajineysa ayaa maanta ku cibaadeysanaya oo ah Buurta Carafa, si ay u gutaan mid kamid ah Ruk-niyada ugu muhiimsan ee xajka.

Kummanaan Soomaali ah oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa ayaa ka mid ah muslimiinta gudaneysa waajibaadka xajka ee sanadkaan.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa ku warrantay, in sannadkan ay xajinayaan laba milyan iyo bar xujey ah, taas oo noqon doonta tiradii ugu badneyd oo Muslimiin ah oo abid u soo xajisa xajka.

Ammaanka ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaan la arkayaa ciidamo aad u badan oo ku sugan Magaalada Maka Al-mukarama, waxaana gaadiidka laga mamnuucay Isticmaalka waddooyinka Masaajida Barakaysan.

Sidoo kale Muslimiinta ku nool Caalamka ayaa maanta oo kale sagaalka bisha Dul-haj ay sooman yihiin soon sunno ah oo aad u ajir badan, lagana cafinayo dunuubta yar yar ee ay galeen laba sanno.

Maalinta Berri ah ayaa guud ahaanba dunida muslimka looga diyaar-garoobayaan u dabaal-dega maalinta koowaad Ciidul Adxaa oo ka mid ah ciidaha ugu waaweyn ee Muslimiintu leeyihiin.

In ka badan laba Milyan Muslimiin Xujey ah oo Maanta taagan Buurta Carafa
To Top