WARARKA SOOMAALI

Muqdisho iyo Gobolada dalka oo Maalinta 1-aad ee Ciidul Axda siweyn looga Ciidayo

Waxaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna tahay 28-ka bisha June 2023 siweyn looga Ciidayaa dalka Soomaaliya iyo dunida Muslimka maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, xilli malaayiin xujey ah ay taagnaayeen Banka Carafo.

Dadka kunool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa siweyn u Ciidaya, waxaana dadka ay isugu hambalyeeynayaan farxada maalinta koowaad ee Ciidu Axdaa.

Waddooyinka waaweyn ee Casimadda ayaa lagu arkayaa boqolaal dad shacab ah oo isugu jira Caruur, dhalinyaro, Haween iyo Odayaal, kuwaasi oo Maanta u dabadal degaya maalinta koowaad ee Ciida.

Masaajida ku yaalla Muqdisho iyo magalooyinka maamul Goboleedyada ayaa saakay lagu tukaday saalada Ciidul Axdaa, waxaana tukashada saalada ka qeyb galay Mas’uuliyiin iyo kumanaan qof.

Kummanaan dadweyne ah ayaa buux-dhaafiyay goobaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana halkaas u damaash tagay dadka oo isaga kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Muqdisho iyo Gobolada dalka oo Maalinta 1-aad ee Ciidul Axda siweyn looga Ciidayo
To Top