WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor dhow furaya Shirka dib u heshiisiinta K/Galbeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa lagu wadaa in goordhow uu daah furo Shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo ay ka qeyb galayaan Siyaasiyiinta iyo wax garadka maamulkaas.

Amniga Magaalada Baydhabo  ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana goob waliba taagan Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah ATMIS kuwaas oo sugaya amniga goobta uu shirka dhacaayo.

Shirkan uu uu furi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhowr mar dib uga dhacay waqtigii loo balansanaa iyadoo shalay qorshaha ahaa inuu magalada Baydhabo ka furmo balse sida ay guddiga qaban qaabada shirka sheegeen uu u baaqday arrimo farsamo awgeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, waxaana xubnahaas kamid ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor dhow furaya Shirka dib u heshiisiinta K/Galbeed
To Top