WARARKA SOOMAALI

Hoggaamiyayaal Carbeed oo ka Arrinsan doona Colaadda Falastiin iyo Israa’iil

Boqorka dalka Urdun, C/llaahi Bin Xuseen bin Dalaala iyo Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasin ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, halkaasi oo ay kulan saddex-Geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha dalkaasi, C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil El-sisi.

Shirkaasi ayaa waxaa uu waxaa Ajendayaasha lagu gorfeyn doona ugu muhiimsan: Colaada Falastiin iyo Israel iyo Xukuumadda Israel ee Midigta Fog ee xilka la wareegtay , Mideynta Siyaasada lagu wajahday Israel,  dib-u-eegista dadaalka nabadda ee u dhexeeya Falastiin iyo Israel.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Masaarida waxaa kaloo kulankaasi lagu eegi doonaa hadalkii ay Xukuumadda cusub ee Israel ku sheegtay inay ballaaran doonaan ballaarinta deegaamaynta dadka Yuhuuda ee dhulka La-haysto ee Daanta Galbeed ee Reer Falastiin.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Masar waxay Heshiisyo Nabadeed la saxiixdeen Israel sanadihii 1979-kii, halka ay Dowladda urdun ay Israel la saxiixatay Heshiis Nabadeed sanadkii 1994-kii.

Hoggaamiyayaal Carbeed oo ka Arrinsan doona Colaadda Falastiin iyo Israa’iil
To Top