WARARKA SOOMAALI

Ciidamo farabadan oo lagu daadiyey Isgoysyada Magaalada Muqdisho + sababta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isgoysyada iyo baraha Koontaroolada ee yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho geeysay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

Ciidamada oo ah kuwa afka u xiran ayaa siweyn u sugaya amniga Muqdisho, isla markaana baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka magaalada Isticmaalaya, iyaga oo su’aalo weydiinaya darawalada.

Illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in ciidamada NISA lagu wareejiyay koontaroolada magaalada Muqdisho, waxaana ciidamadaas ay yihiin kuwo loogu tala galay in ay xaqiijiyaan amniga caasimadda.

Koontaroolada magaalada Muqdisho oo markii hore joogeen ciidamo katirsan Booliska dowladda Federaalka ayaa hada lagu arkayaa ciidamada nabadsugida, kuwaa oo baaritaano dheeraad ah ku sameenaya gaadiidka waddooyinkaasi isticmaalaya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan ahaa mid soo hagaagayay , waxaana hadda dowladda qorsheysay in si weyn loo adkeeyo ammaanka caasimada, si looga hortegayo weerarada kooxda Al-shabaab.

Ciidamo farabadan oo lagu daadiyey Isgoysyada Magaalada Muqdisho + sababta
To Top