WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Amniga oo Nin hubeysan ku toogtay Muqdisho

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir ku toogtay Nin hubeysan oo isku dayay inuu dagaal la galayo ciidamada Booliska, balse ay toogasho ku dileen.

Ciidanka Booliska dowladda ayaa Ninka oo watay Bastoolad ku dilay xaafadda Carafaad ee degmada Yaaqshiid, iyagoona sheegay in Ninka uu ahaa burcad hubeysan oo dadka deegaanka xaafaddaas ay cabasho ka muujiyeen, dhacna u geysan jiray dadka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in toogashada Ninkaasi ay dambeeysay, kadib markii ninka uu kaga dhago adeegay amar ay siiyeen ciidamada, uuna isku dayay inuu baxsado, sidaasina lagu dilay.

“Ciidanka ayaa burcadkaan ku qabtay xaafada Carafaat isaga oo ka dhaga adeegay amarka Ciidanka Ammiga kadibna isku dayay inuu baxsado, waxa uu watay Moota nuuca Bajaajta ah oo ay hada hayaan ciidanka Amaanka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sare u qaaday howl-galada lagu baacsanayo burcadda, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay soo qabtaan ku dhawaad 20 rag ah oo dadka dhaceysay.

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Amniga oo Nin hubeysan ku toogtay Muqdisho
To Top