ENGLISH NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Safaaradda Somali ee Turkiga, lana kulmay…

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiye ayaa soo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Ankara.

Madaxwaynaha ayaa diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada kale ee safaaradda la yeeshay kulan is xogwaraysi.

Danjire Jama A. Mohamed (Caydiid) ayaa Madaxweynaha uga warramay adeegyada safaaraddu bulshada Soomaaliyeed ee Turkiye deggan u qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho saddex maalin ah ku jooga dalka Turkiga, waxaana dalkaas uu yahay mid muddooyinkii u dambeeyay lagu dhibaateeynayey shacabka Soomaaliyeed ee goobaha Ganacsi ku leh Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Safaaradda Somali ee Turkiga, lana kulmay…
To Top