WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi la socday oo u dhoofay Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya, iyagoona ka dhofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa Sacuudiga ugu baxay gudashada acmaasha Xajka.

Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha oo ay ugu horeeyaan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah wasiirada xilgaarsiinta ayaa ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula dardaamay in dalka iyo dadka loo duceeyo si uu Allah uga samatabixiyo Abaarahan soo noqnoqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laabta isku furaan si loo helo midnimo iyo wadajir.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi la socday oo u dhoofay Sacuudiga
To Top