WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Ciidanka Booliska iyo NISA oo howlgalo ka fuliyay Magaalada Muqdisho

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, Ciidanka NISA oo ay wehlinayeen Ciidamada Koontoroolada Guurguura ayaa xalay howlgallo wadajir ah ka sameeyay xaafado iyo degmooyin katirsan Gobolkan Banaadir.

Howlgalka oo uu horkacayay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) amnigana lagu xaqiijinayay ayaa laga sameeyay Suuqa Bakaaraha, Xaafadaha Warshadii hore ee Caanaha, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, Xaafadda Daaru-salaa iyo degmooyin kamid ah qeybta Bari ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeyay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyada oo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) uu xaaladda Amni wax ka weeydiiyay qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo uu kormeer indha-indheyn ah ku tegay.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ma shaacin waxyaabo ay howlgalka kusoo qabteen, hayeeshee ay sheegeen in howlgallada si joogto ah ay u sii wadi doonaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Ciidanka Booliska iyo NISA oo howlgalo ka fuliyay Magaalada Muqdisho
To Top