WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda
Iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalkeenna.

 

SAWIRRO: Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga
To Top