WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la yeeshay Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magaalada Muqdishu kula la qaatay Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo diblomaasiyaantaan ayaa ka wada hadlay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha baaxadda leh ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladaha bini’aadanimo ee ka dhashay saameynta abaaruhu u geysteen dadka iyo deegaanka Galmudug.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa baaq u gudbiyay guud ahaan beesha caalamka, kaas oo ku saabsan sidii abaaraha wax looga qaban lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka kala hadlay dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda ee ka socota dalka.

Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la yeeshay Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska
To Top