WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Jabuuti oo ku guuleysatay Xubinimada Golaha Nabadda & Amniga Midowga Afrika

Dowladda Jabuuti ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga guuleysatay kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kadib markii doorashada kursigaas ay ku tartameen Soomaaliya iyo Jabuuti.

Shirweynaha Midowga Afrika ee ka socda Magaalada Addis Abab, ayaa ergada ka qeyb galaysa waxay dalka Jabuuti u doorteen xubintaas, taasoo ka dhigan in ay Jabuuti mar kale ku guulaystay oo difaacatay kursigan.

Dowladda Jabuuti ayaa doorashada ka heshay codad dhan 19 cod, halka Soomaaliya ay heshay 13 cod, waxaana doorashada ka dhacday Magaalada Addis Ababa ka qeyb galay dalalka ka qeybta Midowga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa hoggaaminayay kooxda Diblomaasiyiinta iyo ergada Soomaaliya ee Midowga Afrika, kuwaas oo sameeyay dadaal kaste oo Soomaaliya ay ku hanan kartay kursigan oo aad muhiim ugu ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Jabuuti oo ku guuleysatay Xubinimada Golaha Nabadda & Amniga Midowga Afrika
To Top