WARARKA SOOMAALI

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Go’aan ka gaaray Dacwada Saddex kursi

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa Go’aan ka gaaray  oo dacwada kuraasta sumadoodu tahay HOP#201 HOP#209 IYO HOP#211, kuwaas oo todobaadkii hore ay guddiga natiijada ku dhawaaqista kuraastaas ay hakiyeen.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa lagu soo bandhigay kasoo dacwoodayaasha habka ay u dhacday doorashada kuraastaas, hayeeshee guddiga baaritaan dheer kadib ay go’aan ka gaareen.

Guddiga Xallinta Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Saddexdan kursi doorashadooda loo maray hab waafaqsan heshiiskii doorashada, isla markaana ansax yihiin.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#201 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, balse dhawaan loo doortay Cabdullaahi Abiib.

Kursiga HOP#209  ayaa waxaa uu horey ugu fadhiyey Allaha u naxariistee Axmad Dhimbil Casoowe, waxaana maalma ka hor loo doortay Maxamad Xuseen Haadi.

Kursiga Sedaxaad ee tirsigiisu yahay HOP#211 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Caasha Koos, oo mar kale maalmo kahor dib loogu doortay.

 

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Go’aan ka gaaray Dacwada Saddex kursi
To Top