WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Magaalada Addis Ababa iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063.

Shirka Midowga Afrika ayaa waxaa sidoo kale looga arrinsanayaa wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu joogo Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda qaar ee ka qeyb galaya Shirweynaha 35-aad ee Midowga.

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Magaalada Addis Ababa iyo ujeedkiisa
To Top