WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Maanta la kulmay wafdi ka socday QM & EU

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Galmudug, ahna kusimaha madaxweynaha Ali Dahir Eid ayaa Aqalka madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub,(UN, IOM & EU) kuwaas oo maanta soo gaaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb.

Kulanka ayaa looga wada hadlay dardar gelinta mashaariicda ka socota deegaanada Galmudug iyo sidoo kale mashaariic kale oo la doonayo in laga fuliyo dhawaan

Kulanka ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamanka Galmudug marwo Faadumo Abdi Ali wasiiro katirsan xukuumadda Galmudug iyo agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Osman Macalin Xasan.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Maanta la kulmay wafdi ka socday QM & EU
To Top