WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda CQS oo xukuntay NIn ku dhaawacmay Qarax uu keenay Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun ku riday Nin lagu magacaabo Maxamed Cismaan Dhagaxow Haaruun oo lagu eedeeyay inay Al-shabaab u isticmaali jireen qaadista agabyada Gawaarida “Spare Parts” iyo Qaraxyada.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Maxamed Cismaan lasoo xiray isaga oo dhaawac ah, isla markaana ku dhaawacmay Qarax uu Mooto Bajaaj uu watay uga soo qaaday Tabeelaha Sheikh Ibraahim, una soo waday Magaalada Muqdisho.

29-kii May,  ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, xilligaasi oo ay Garsoor ogolaadeen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Beledwayne ayuu Al-shabaab kaga biiray, waxaana ku tashkiiliyay nin ay qaraaba yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo Agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada.

5-tii June ayaa loo ballamay Fadhigii ugu horeeyay ee Maxkamadda, waxaana lala keenay cadaymo ay kamid yihiin Dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.

Maanta ayay Maxkamadda ku xukuntay fadhiya kala duwan kadib 15-sano oo xabsi ciidan ah  Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

Maxkamadda CQS oo xukuntay NIn ku dhaawacmay Qarax uu keenay Muqdisho
To Top