WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo kulamo ka bilaabay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, si uu codka kalsoonida u helo.

Ra’iisul Wasaare Rooble Xamse Barre ayaa Maanta hotelka Decale kulan kula qaatay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doorto dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyagoo si buuxda ugu caddeeyay inay codka kalsoonida siinayaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda ayaa kulamo la qaadan doona Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka, isagoona ka dalbanaya inay Codka kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso Golihiisa Wasiirada cusub ee Xukuumadda.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre Maalinta Arbacada ee todobaadkaan la horgeeyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo kulamo ka bilaabay Magaalada Muqdisho
To Top