WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa jira xoogag doonaya in dalka meesha uu yaalo lagu haayo oo qabyaaladda horumarto”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar dadban iyo mid toos ku qaaday kooxaha mucaaradka ku ah dowladdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kalmado aan horay looga baran u adeegsaday mucaaradka dowladdiisa, isagoo ka dhawaajiyay in dalka ay ka jiraan labo xoog oo is haya.

“Labo xoog ayaa is haya,  Xoogag doonnaya dalka meesha uu joogo in lagu hayo ee qabyaaladu hormarto, Qof walba meesha uu heysto inuu musuqmaasuq iyo xatooyo ku joogo iyo in aan hoos-fadhiisanno shisheeye, xoogaggaasi waa xoogag raba Soomaaliya meesha ay jogtay inay meel ka hooseysa ku hayaan, Xoogagga isbedel doonka ah waa xoogagga annagu aan matalno oo ka soo horjeedda saddexda arrimood, maxaa yeelay saddexda arrin ee aan sheegnay waa saddex arrimood oo aan soo tijaabinay oo aan ku guul darreysannay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in umadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay garab istaagaan xooggaga horusocodka ah ee ka shaqeynaya horumarka iyo inay soo laabato sharafka Soomaaliyeed, isla markaana aanay dooneyn inay dib ugu laabtaan sidii ay ahaan jireen.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in dalka ku jiro dagaal, isagoo xusay in doonayaan in fursad loo siiyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa dalka, waxaana uu mar kale baaq u diray dhalinyarada ka barbar dagaalanta Al-Shabaab, inay ka faa’ideystaan cafiska ay dowladda u fidsay.

SOMALI NEWS

To Top