WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo Maanta lagu wado in uu Xadhiga ka jaro Saldhiga Milateri ee Turkigu ka dhisanayo Muqdisho-Video

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu xarigga ka jaro Saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Turkiga Gen. Halusi Akar oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa la sheegay inay si wadajir ah ay u furi doonaan saldhigga milateri ee uu Turkiga ku tababari doono Ciidamada Soomaaliya.

Saldhiggan ayaa noqon doona kii u horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana dhismaha saldhiggan ku baxay malaayiin dollar.

Waxaa lagu wadaa in lagu xareeyo ciidamo gaaraya illaa 1,500 askari, halkaasoo lagu tababari doono, saraakiil ka socota Turkiga ayaa ka qeyb qaadan doona tababarka Ciidamada oo noqon doona markii u horeysay ee uu Turkiga gudaha Soomaaliya ku tababaro ciidamo.

Saldhiggan oo ku yaalla wadada aada deegaanka Jaziira ayaa magaalada Muqdisho u jira illaa 3KM, waxaana uu yahay saldhig loo dhameystiray dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa, sida goobaha lagu tababaro askarta, guryaha saraakiisha iyo askarta, xafiisyo, garoon lagu ciyaaro iyo goobo kale.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ammaanka wadada aada Jaziira iyo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa saaka aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka, halkaasoo la dhigay ciidamo milateri ah.

SR JOHWAR

SOMALI NEWS

To Top