WARARKA SOOMAALI

Daawo Video: Soo dhowayntii Taliyaha Ciidamada TURKIGA Iyo Khudbadii uu kasoo Jeediyey Munaasibadii Muqdisho.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho Si balaadhan loogu soo dhoweeyay Wafdi uu Hogaaminayey Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Turkiga Hulusi Akar, waxaana soo dhoweeyay dhaweeyay diplumaasiyiin ka tirsan Safaarada Turkiga ee Muqdishor, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Maxamed Axmed Jimcaale Geedi iyo Mas’uuliyiin kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa waxaa loo galbiyay xarunta Safaarada Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, Waxaana sidoo kale Loo qabtay Kulan uu Khudbad ka jeediyey, Wuxuuna Xusay inay Turkigu Soomaaliya uu ka Caawin doono Dhismaha Ciidanka iyo Amniga.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha uu ka qeybqaadan doona munaasabadda xariga looga jarayo Xero Ciidan oo Turkiga uu ka hirgeliyay duleedka magaalada Muqdisho, taasi oo loogu tala galay in lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top