WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo gaadhay Jabuuti iyo arrinta Dadaalka lagu qaadayo Shabaab Wadamadda Gobalka…

Waxaa goordhow Caasimadda dalka Jabuuti ee Djabuuti gaaray Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha dalka jabuuti ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas iyo Madax kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Dalka Itoobiya isaga oo Ra’iisul Wasaaraha dalakaas kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Maalin ka hor tegay dalka Uganda isaga oo Madaxweynaha dalkaas Uganda ay isla gaareen Go’aan ah in Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay ka qeyb qaataan weeraro lagu qaado fariisimaha Al-Shabaab ee Gobolada dalka Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa qorshuhu yahay in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ay ciidamadiisa joogaan Gobolka Hiiraan ay iyana ka mid noqdaan howlgalka ku wajahan deegaanada Al-Shabaab.

 

SOMALI NEWS

To Top