WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maxamuud Xasan X. Cumar oo sharafta ka qaaday Faysal Cali Waraabe jawaab adag iyo sir culus,Moorgan buu u shaqayn jiray-Video

Maxamuud Xasan Xaaji Cumar oo kamid ah Waxgaradka kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle, Islamarkaana Horay  uga soo Shaqeeyay Idaacada BBC ayaa Jawaab adag siiyey Faysal Cali Waraabe oo maalintii shalay dagaal ugu Hanjabay Buuhoodle, Islamarkaana Aflagaado u gaystay Garaad C.risaaq Garaad Soofe.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Maxamuud ayaa wuxuu soo jeediyey Beesha Ciida-gale ee uu ka dhashay inay Qabsadaan Faysal Cali Dhurwaa, Wuxuuna sheegay inuu yahay nin Taariikh madow leh, Islamarkaana Shaqooyin dhaqan xumo ah u Qaban jiray Gaani iyo Moorgan oo ka tirsanaa Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya.

“Buuhoodle waaad ogtihiin wixii idiinka dhacay,  Weli Lafahoodii way Yaalaan Kalshaale Kuwii kusoo Duulay 2011 iyo 2012,   Waxaana idiin sheegayaa in Buuhoodle  Ingiriis Qabsan waayey,  Ilaa Ninka Noogu dambeeya waanu ku dhiman doonaa,  Waxayna ka tirsan tahay Soomaaliya “ Ayuu yidhi.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inay wax laga Xishoodu tahay Aflagaadada uu Madaxda dhaqanka u gaystay Faysal ” Ceebtooda ma doonayno  Beelaha Isaaq, oo Caayi mayno Suldaanka Ciidagale,  waa inay Qabsadaan Dhurwaaga ” Ayuu yidhi.

SOMALI NEWS

To Top