WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo gaadhay Degmadda Hobyo iyo soo dhaweyn heer sare ah-Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobalka Mudug.

Wasiirro, Xildhibaanno, Mas’uuliyiin kala duwan iyo Bulshada Magaalada Hobyo ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Hobyo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana  wafdiga madaxweyanaha kulamo la qaatAY mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Dhagax dhigay  Wado isku Xidhi doonta Hoboyo, Cadaado iyo Caabudwaaq, Sidoo kale wuxuu Madawayne Farmaajo daah-furay Mashruuca lagu dhisi doono Dekedda magaalada Hobyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka .

SOMALI NEWS

To Top