WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Cadaado dib ugu laabanaya iyo waxyaabaha uu qaban doono…

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay ku hoyday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto degmada Cadaado.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Madaxweyne Farmaajo uu maalinta Isniinta tagi doono Cadaado, si uu u dhagax dhigo garoonka diyaaradaha Cadaado oo dib u dhis lagu sameyn doono.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu diyaarad ku tagi doono Cadaado, taasoo ka soo qaadi doona degmada Caabudwaaq oo maalinta berri tagi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tagi doona degmada Hobyo, si uu u dhax dhigo Dekeda laga dhisayo Hobyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa todobaadkan soo gabagabeyn doona socdaalkii uu ku kala bixinayay gobolo ka tirsan dalka.

SOMALI NEWS

To Top