WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo amray in aan la bixin lacagta laga haayo Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowladda in aan dowladda Imaaraadka loo celin karin lacagtii ay dalka soo galiyeen ee lagu qabto Garoonka Magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in sifo sharci darro ah looga saari karin Khasnadda Dowladda lacagta oo si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka ee Hay’adaha Ammaanka ay ku qabteen Garoonka Aadan Cadde 8-dii Bisha Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Waxa uu amray Madaxweyne Farmaajo Guddomiyaha Bangiga Dhaxe in lacagtaasi ee leedahay aan la bixin karin iyada oon la marin hannaan waafaqsan sharciga ayna mamnuuc tahay in go’aan hal masuul gaaray lacagtaasi lagu bixiyo.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble Maanta shaaciyay in dib dowladda Imaaraadka Carabka loogu celinayo lacagtaas oo Bisha Abriil ee 2018-kii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee, isagoona raalli-gelin ka bixiyey dhacdadaas.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo amray in aan la bixin lacagta laga haayo Imaaraadka Carabta
To Top