WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga oo galaya Maalintii 5-aad

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalinta oo sabti ah galaya maalintii shanaad.

Madaxda Golaha ayaa xalay kulan ku yeeshay Hotelka Decale ee ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoona Madaxda ka dooday sii amba qaadida doodaha adeg ee Shirka maalmihii lasoo dhaafay uga socday Teendhada Afisyooni.

Shirka Golaha Wadatashiga ayaa waxaa looga arrisanayaa dardar-gelinta doorashada, saxida waxyaabihii khaldamay iyo jaangoynta xilliga lasoo gaba-gabeynayo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Qodobka ugu adeg ay Golaha Wadatashiga dood ka yeelanayaan Maanta ayaa ah Arrinta amniga oo uu doonayo Ra’iisul Wasaare Rooble in lagu wareejiyo mas’uuliyada amniga guud ee dalka, isla markaana ay ku taageereen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa rajo wanaagsan ka qaba Natiijada kasoo bixi doonto Shirka Golaha ee looga hadlay doorashooyinka dalka ee manta galaya maalintii shanaad oo ay Shirsan yihiin Madaxda.

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga oo galaya Maalintii 5-aad
To Top