WARARKA SOOMAALI

Go’aamo laga soo saaray Shirka loo furay Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Sool

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hore u iclaamiyey qabashada shirkani ayaa maanta si rasmi ah uga furay degaanka Hadhwanaag, waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Isimada qaybta ka ah nabadaynta iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha,

Shirka nabadeynta ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada-noolaashaha beelaha maalmo kahor ku dagaalamay deegaanka Saax-maygaag ee Gobolka Sool.

Go’aamada laga soo saaray Shirka nabadeynta ayaa waxaa kamid ah:

1-Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.

2- Kala rarista maleeshiyaadkii dirirtu dhex martay.

3 -In Dowlad Goboleedka Puntland la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.

4- Puntland waxay magacaabaysaa guddi kormeera qodobada lagu heshiiyey fulintooda.

5- In cidii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.

Go’aamo laga soo saaray Shirka loo furay Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Sool
To Top