WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Ra’iisul Wasaare Rooble oo raalli-gelin siiyay Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta oo Jimco ah Deeq Gargaar raashin ah soo gaarsiisay dowladda Federaalka, iyadoona uu la wareegay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Deeqda Gargaarka oo gaareysa 26-tan ayaa isugu jirta raashin iyo daawooyin loogu tala-galay dadka ay saameeynta ku yeesheen Abaaraha ka jira dalka, waxaana Xukuumadda sheegtay in Gargaarka la gaarsiinayo dadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa dowladda Imaaraadka Carabka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag gaareysay 9 Milyan, bishii April ee sanadkii 2018.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Ra’iisul Wasaare Rooble oo raalli-gelin siiyay Imaaraadka Carabta
To Top