WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar Culus ku qaaday Baxdo iyo wararkii ugu dambeeyay

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Maamulka Galmudug, dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Dagaalka oo muddo ku dhow laba saacadood socday ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa sida ay ku warrameen  qaar kamid ah dadka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ee Maamulkaas, kuwaasi oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in dadka degaanka ay siweyn isaga difaaceen Al-Shabaabkii soo weeraray, isla markaana Al-Shabaab ay u suurto geli weeysay inay la wareegaan degaanka Baxda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baxda ayaa waxaa ay sheegayaan inay dib uga laabteen Al-Shabaab, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka degaanka ah, kuwaas oo Amniga siweyn u xaqiijinaya.

Al-shabaab oo weerar Culus ku qaaday Baxdo iyo wararkii ugu dambeeyay
To Top