WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xukuumadda oo ka hadashay Shirka Golaha Wadatashiga ee weli socda

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalintii afaraad ka socday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa goordhow lasoo gaba-gabeeyay…

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran ay Maanta shirka ugu sii amba qaadeen doodihii ku aadanaa dardar-gelinta iyo hufnaanta doorashada.

Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa tilmaamay in Madaxda ay si weyn uga doodeen Arrimaha amniga dalka iyo jaangoynta doorashada, isagoo xusay in Shirku uu ku socday jawi wanaagsan oo qodobada qaar horumar laga sameeyay.

Wuxuu intaas kusii daray in Shirka uu sii socon doono illaa Golaha Wadatashiga Qaran ay meel isla dhigaan Ajendayaash horyaalla Shirka ee muhiimka u ah dardar-gelinta doorashada, iyadoona maalinta berri ay nasiino gelayaa Madaxda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Xukuumadda oo ka hadashay Shirka Golaha Wadatashiga ee weli socda
To Top