WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Maanta kulan yeelanaya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta la filayaa inuu aaladda fogaan arraga AH ee ZOOM-ka kulan kula yeesho Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadli doonaa xiisadihii siyaasadeed ee u dambeeyay ee dalku galay maalmihii la soo dhaafay kana dhashay shaqo joojinta uu Maxamed Farmaajo ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Farmaajo kala arrisan doota sida aan wararka ku helnay dejinta xiisada ka dhalatay tallaabada uu shaqada uga joojiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, xili khilaafka u dhexeeya labada dhinac uu gaaray meel xun.

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, kaasi lagu dardargelinayo doorashooyinka, laguna saxayo habraacyada doorashada.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Maanta kulan yeelanaya
To Top