WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Booliska Dowladda oo joojiyey Banaanbax lagu taageerayey RW Rooble

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa kala eryey dadweyne Banaanbax looga horjeedo Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka wada degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa isugu soo baxay xaafaddo ka tirsan degmada Hodan, iyagoona banaanbaxooda ku taareegayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo uu khilaaf xoogan kala dhexeeyo Farmaajo.

Dadka banaanbaxa dhigay oo uu hoggaaminayey Wasiirkii horee ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin “Af-gembi Maya, doorasho Haa”, isla markaana ku dhawaaqayey erayo ay taageero ugu muujinayaan Rooble.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu socday banaanbaxa ayaa tegay halkaas, iyagoona la sheegay inay kala eryeen dadkii banaanbaxa lagu taageeyay Ra’iisul Wasaare Rooble ka dhigayey Hodan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Booliska Dowladda oo joojiyey Banaanbax lagu taageerayey RW Rooble
To Top