WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Cumar Filish oo Digniin kasoo saaray Jaadka Kenya ee lagu iibiyo Degmo…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa ka qeyb galay kulan looga tashanaayo mukhaadaradka iyo Sugida Amniga oo lagu qabtay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Cumar Finish oo hadal ka jeediyay kulankan ayaa si weyn uga hadlay Mukhaadaraadka mudooyinkan kusoo badanaya Muqdisho, waxa uuna waalidiinta ugu baaqay in ay la socdaan Caruurtooda kana celiyaan isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in jaadka laga keeno dalka Kenya oo dowladdu mamnuucday in laga soo dejiyo xeebaha Wadajir, kadibna lagu sii iibiyo qeybo kamid ah degmadaasi.

Duqa Muqdisho ayaana ugu hanjabay maamulka degmada iyo ciidamada amaanka in talaabo laga qaadi doono hadii aysan kahor tagin in degmada Wadajir lagu iibiyo laguna sii qeybiyo jaadka kontorabaanka looga keeno dalka Kenya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Cumar Filish oo Digniin kasoo saaray Jaadka Kenya ee lagu iibiyo Degmo…
To Top