WARARKA SOOMAALI

Mareykanka iyo Kenya oo ka shiray khilaafka MW Farmaajo iyo RW Rooble

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Itoobiya iyo khilaafka Siyaasadeed ee xilligaan kajira dalka Soomaaliya.

Qoraal uu Barta Twitter-ka soo dhigay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Itoobiya ee sii xogeysanaya si xal looga gaaro colaadaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay in  Madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashada iyo inay is-xakameeyaan si uusan u dheeraan khilaafka Siyaasadeed.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa dhankiisa siiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Warbixin uu ku cadeeyay sida ay muhiim ugu tahay in xal laga gaaro dhibaatooyinka kajira dalalka ay deriska yihiin ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxa ka socda isha ku haaya dalalka Caalamka ee taageerada siiya, iyaga oo ku baaqaya in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

Mareykanka iyo Kenya oo ka shiray khilaafka MW Farmaajo iyo RW Rooble
To Top