WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Deni oo shaqada ka joojiyey Agaasimaha Sirdoonka Puntland

Warar lagu kalsoonaan oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu shaqo ka joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA, Mukhtaar Maxamed Xasan Jeyte.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa tallaabadan shaqo ka joojinta qaaday habeenkii xalay aheyd, kadib markii booqasho lama filaan ah ku tegay Xarunta Hay’adda Sirdoonka PISA, wuxuuna halkaas kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada PISA.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweynaha Puntland uu xilka Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Puntland si KMG ah ugu magacaabay Maxamed Nuur Jaamac oo horey u ahaa hoggaanka Baarista Sirdoonka Maamulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqada ka joojiyey labadii Agaasime ku-xigeen ee Hay’adda PISA, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Maxamed Casayr Barre iyo Bashiir Siciid Aaden, lama oga sababta keentay shaqo joojintaan.

Mukhtaar Maxamed Xasan ( Jeyte) oo ahaa Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka dowlad Goboleedka Puntland ee PISA, ayaa waxaa ay wararka sheegayaan inuu ku maqan yaha dalka dibaddiisa.

Madaxweyne Deni oo shaqada ka joojiyey Agaasimaha Sirdoonka Puntland
To Top