WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka Telefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu khadka Telefoonka wada-hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar Cabdifitaax Al-siisi.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, Iskaashiga iyo qodobo kale, sida uu xaqiijiyey Afhayeenka Madaxtooyada Masar, Danjire Basaam Raadi oo Qoraal kooban soo saaray.

Faah faahin intaas ka badan lagama helin kulankii khadka Telefoonka ku yeesheen  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalkaas Masar Cabdifitaax Al-siisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dib loogu doortay xilka waxaa uu booqasho rasmi ah ku tegay Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, isagoo halkaas kulamo miro dhal ah kula soo qaatay Madaxweyne Al-siisi.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeeya xiriirka taariikhi ah oo ku saleysan dhinacyo kala duwan, sida arrrimaha Iskaashiga iyo horumarinta waxbarashada dalka iyo arrimo kale oo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka Telefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar
To Top