WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax xoogan oo ka dhacay HIIRAAN & khasaaro jira

Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta oo jicmo ah halkaas qarax lagula beegsaday gaari nooca Tikniko ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aasay ayaa waxaa Ciidamada lagula eegtay deegaanka Baardheere ee duleedka Baladweyne, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey 6 ruux oo isugu jiray Askar ka tirsan Ciidanka Milateriga qeybta 27-aad iyo dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxii Maanta ka dhacay deegaanka Baardheere, kuwaasi oo la geeyay Isbitaal si loogu daaweeyo.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Sarkaal magacaabiisa lagu soo gaabiyey Indhabuur, Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaan weli ka hadlin qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee dhacay.

Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo miinooyin ah la beegsata gaadiidka ay saaran yihiin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana inta badan Ciidamada qaraxyadaas kasoo gaara khasaaro kala duwan.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax xoogan oo ka dhacay HIIRAAN & khasaaro jira
To Top