WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo magacaabay Guddoomiye Gobol (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug ee Galmudug u magacaabay Axmed Xuseen shire (Bukhaari).

Guddoomiyaha Cusub ayaa bedelaya Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa la faray dhamaan Hay’adaha kala duwan ee Galmudug inay la Shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo magacaabay Guddoomiye Gobol (Wareegto)
To Top