WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Burcad dadka dhibaato ba’an ku heysay

Ciidamada Booliska ayaa xalay soo bandhigey rag burcad ah oo dhac bareer ah u geysanayay gaadiidka safarka ah iyo dadka la socda, kuwaa oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Deegaanka Mareergur.

Raga la soo bandhigey oo ah sadax ruux ayuu mid ka mid ah ka muuqday dhaawac kusoo gaarey rasaas ay is waydaarsadeen ciidanka amaanka, waxaana isla goobta lagu soo bandhigey taleefano iyo agabyo kale oo ay ka dheceen dadka musaafirka ah ee jidka marayay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska dowlad Goboloeedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in burcada la qabtay sharciga la horgeyn doono, isla markaana tallaabo laga qaado doono, maadaama dadka ay dhac u geysanayeen dadka.

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Burcad dadka dhibaato ba’an ku heysay
To Top