WARARKA SOOMAALI

Muxuu RW Rooble kala hadlay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Guddoonka Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BFS.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga doorashada iyo Xoghayeyaasha labada Aqal kala hadlay qorshaha shahaaddo siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka, si waafaqsan Jadwalkii guddiga FEIT horay u soo saaray.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle  ayaa sheegay inay  Go’an tahay hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana Guddiga ay wadaan diyaar garoowga arrintaas.

Shalay ayey aheyd marii RW Rooble iyo Xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac ay kala qaateen warbixin ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Muxuu RW Rooble kala hadlay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal?
To Top