Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11, ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Puntland..
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu magacaabay Agaasimaha cusub, waxaana wareegtada magacaabista u qorneyd:
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1-Waxaa Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) loo magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland.
2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.