WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay Askari looga dilay Soomaaliya maalintii shalay-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka tacsiyadeeyay askari Mareykan ahaa oo maalintii shalay lagu dilay duleedka magaalada Kismaayo, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Ciidamo ku sugnaa deegaanka Sanguuni oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Mareykan ah.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ayuu ku yiri “Waan la murugoonayaa, waanan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya. Runtii waa geesiyaal”.

Inkastoo qoraalkiisa hore ee uu Twitter-ka ku soo qoray uu qalday xaraf ama higaada Somalia, oo uu u qoray Somolia, balse dib ayuu u saxay.

Ciidamada Mareykanka ayaa howl galada la filiya Ciidamada Soomaalida ee sida gaarka u tababaran, waxaana jiray howl gallo ay dhowr jeer ka qeyb qaateen.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu faah faahiyay dilka askariga Mareykanka iyo dhaawaca afarta kale, waxaana lagu sheegay war saxaafadeedka in weeraro madaafiic iyo rasaas lagu soo weeraray ciidamada oo ku sugnaa deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii Kismaayo Waqooyi kaga beegan 50KM.

Askariga Mareykanka ee shalay lagu dilay duleedka Kismaayo ayaa noqonaya kii u horeeyay Mareykanka ee la shaaciyo in lagu dilay Afrika, tan iyo weerarkii gaadmada ahaa ee ka dhacay dalka Niger bishii October ee sanadkii hore 2017, xilligaasoo illaa afar askari Mareykan ay dabley hubeysan dileen.

Sidoo kale waa askarigii labaad oo Mareykan ah oo Soomaaliya lagu dilo, inta uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xafiiska joogo, iyadoo bishii May ee sanadkii hore ay aheyd markii askari Mareykan lagu dilay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Tan iyo markii 18 askari mareykan ah lagu dilay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho sanadkii 1993-dii, Madaxweynayaasha soo maray Mareykanka ayaa ka baaqsanayay in ciidamadooda ay gudaha u galaan Soomaaliya, hase ahaatee Madaxweyne Trump ayaa sanadkii hore ku dhawaaqay in la kordhiyo Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan, kuwaasoo tiradooda ay gaareysa ilaa 500 askari.

SOMALI NEWS

To Top