WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuqaal naxdin badan oo muujinaya Nin dhintay kadib markuu iska soo tuuray Dabaqa Xaramka, sida wax u-Video

Muqdisho (Horufadhi News ) – Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inuu Xaramka ka dhacay fal naxdin leh kadib markii uu nin iska soo tuuray Dabaqa Xaramka Maalintii Jimcaha ee Shalay aheyd oo ay taariikhdu ku beegneyd 08 June.

Illo wareedyo ayaa sheegayo in shakhsiga iska soo tuuray xaramka ee naftiisa dilay uu ahaa 26 jir, waxaana weli socdo baaritaan ku aadan sababta ku kaliftay inuu naftiisa haligo, waxaana lasoo bandhigay muuqaal yar oo muujinayo xilligii uu iska soo tuurayey dabaqa.

Muuqaalkaan ayaa la faafiyey, waxaana ninka dhintay loo qaaday Isbitaal ku yaalo Xaramka, waxayna wararka xaqiijinayaan inuu geeriyooday durbadii uu darbiga iska soo tuuray.

Ninka ayaa iska soo tuuray dabaqa ugu koreeyo meesha Sacyiga lagu sameeyo ee buuraha Safa iyo Warma, wuxuuna kusoo dhacay dhulka hoose ee kacbadda ee lagu dawaafo.

HALKAN KA DAAWO  VIDEO

Ciidamada Amniga ee Sacuudiga si toos ah galabtii jimcaha u sheegay inuu falkaas ka dhacay Xaramka dhexdiisa isla markaasna uu ninka uu iska soo tuuray xaramka, inkastoo aysan sheegin sababta ku dhalisay ninkaas inuu ku dhaqaaqo falkaan sida weyn nooga naxay.

Illo wareedyo ayaa sheegay inuu shakhsigaan ahaa qof Xaramka u tagay Cimro isla markaasna uu xirnaa dharka Xaramka, wuxuuna isisoo tuuray isago saarnaa dabaqa ugu sareeyo Sacyiga isagoo kusoo dhacay qeybta dambe ee Maqaamu Ibraahim oo ah halkii uu Nabbi Ibraahim (CSW) ku istaagay markii uu bilaabayey dhismaha Beydka Alle.

Laamaha amniga weli ma aysan sheegin dalka uu kasoo jeedo ninka iska soo tuuray dabaqa Xaramka, waxaana weli socdo baaritaano dheeri ah oo lagu ogaanayo waxyaabaha keenay falkaan.

SOMALI NEWS

To Top