WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha maamulka Puntland oo gudoomiye cusub u magacaabay Buuhoodle.

Garoowe  ( HM) Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta Guuleed Caaqil Sanwayne u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Cayn ee Puntland.

Waxaa Xilkii Laga Qaaday Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Cayn Cabdirisaaq Xaaji Xasan oo Hada ku sugan magaalada Garoowe.

Guuleed Maxamed Nuux ayaa ka mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Gobolka Cayn, Waxaana Arintan ay kusoo beegmaysaa iyadoo dhowaan Wafdi ka socday puntland ay magaalada ka Hirgeliyeen Golle deegaan, kuwaasi oo Hogaankooda loo doortay Dhalinyaro Aqoonyahano ah.

Magaalada Buuhoodle kama jiro maamul Rasmi ah oo Bulshada kala haga, waxaana inta badan tallada deegaanka Gacanta ku haya Isimada, Waxgaradka iyo Cuqaasha Deegaanka.

SOMALI NEWS

To Top