WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo magacaabay Guddi cusub oo ka…

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay Guddiga Daadejinta adeegga Dowladaha Hoose ee Maamulkaas, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Qoorqoor.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa ka kooban 10-xubnood, isla markaana waxaa Guddiga ay ka shaqeyn doonaan Daadejinta adeeggyada Dowladaha Hoose ee Maamulka Galmudug.

Guddigaan ayaa waxaa hoggaamin doona Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana sababta keentay magacaabista Guddiga lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo in la magacaabo Guddiga Daadejinta adeegga Dowladaha Hoose.

Hoos ka Akhriso Magcayada xubnaha Guddiga ee la magacaabay.

1-Axmed Xasan Cali Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen)

2-Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

3-Maxamed Xaashi Dhoore Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

4-Cabdiwali C/llahi laamac Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

5-Cabdinasir Geelle Cilmi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta

6-Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’ Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta

7-Axmed Casir Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska

8-Siciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Bayada

9-Yaxye Xasan Xiish Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

10- Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo magacaabay Guddi cusub oo ka…
To Top