WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Nin Soomaali ah oo loo xiray weerar lagu dilay Xildhibaan ka tirsan UK

Booliska UK ayaa fal argagixiso ah u aqoonsaday dilka loo geystay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday toori.

Sir David ayaa dhowr jeer lagu dhuftay toorrida xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay.

Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in falkan “ay suuragal tahay inuu salka ku hayo argagixisnimo”. Nin 25 jir ah oo British ah ayaa lagu xiray goobta isagoo loo heysto tuhunka ku aaddan falka dilka ah, booliskuna waxa ay sheegeen inaysan cid kale u raadineynin mas’uuliyadda falkaas dhimashada sababay.

Booliska ayaa qayb ka mid ah baaritaankooda hadda ku baaraya labo goobood oo ku yaalla magaalada London, sida ay sheegeen saraakiisha..

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Nin Soomaali ah oo loo xiray weerar lagu dilay Xildhibaan ka tirsan UK
To Top