WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mahdi Guuleed “Somalia Maanta waxay leedahay Bad xadkeedu cadyahay”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hoggaaminayay wafdigii dowladda Federaalka u dirtay dhageysiga Go’aankii kiiskii  Badda ayaa ka hadlay guushii dowladda Soomaaliya ka gaartay kiiska Dacwada Badda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in guul taariikhi ah ay dowladda Federaalka kasoo gaartay kiiskii Dacadda Badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ay xumisay Maxkamadda ICJ.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Soomaaliya haatan ay leedahay Bad, uuna Cad yahay xuduudka Badda ee dowladda la leedahay Kenya, laguna sugay sharciga Caalamiga ah, taasina ay tahay guul u soo hoyatay dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa dhammaan Madaxda dowladihii Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda haatan talada dalka heysa uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen difaaca Badda Soomaaliya ee muranka ay gelisay Kenya iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay guusha u soo hoyatay DFS.

Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa 12-kii boshaan Octoober go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ICJ ay sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Mahdi Guuleed “Somalia Maanta waxay leedahay Bad xadkeedu cadyahay”
To Top