WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maanta hortagaya aqalka sare ee Baarlaanka Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta hortagaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si uu khudbad ku saabsan xaalada dalka uga jeediyo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku wargeliyay Guddiyada Joogtada Aqalka Sare inay ka soo qeyb galaan kulankan muhiimka ah oo Aqalka Sare ku hor imaanayo Madaxweynaha Galmudug.


Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku wargeliyay Guddiyada Joogtada Aqalka Sare inay ka soo qeyb galaan kulankan muhiimka ah oo Aqalka Sare ku hor imaanayo Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa khudbad ka hadleysa xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka maanta u jeedinaya Aqalka Sare.

Horay waxaa Aqalka Sare hadalo u jeediyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Aqalka Sare oo matala dowlad goboleedyada, ayna soo doortaan Baarlamaanada dowlad goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay khilaaf kala dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada, taasoo sabab u noqotay in kulamadiisa ay saameyn ku yeeshaan, isla markaana doodaha arrimaha doorashooyinkana laga saaro.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top